Site icon Radio Risaala: Somali News Online

SAWIRRO: Wada hadalka Galmudug & Ahlusunna oo furmay

Wada hadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna  wajiga Labaad  ayaa maanta  si rasmi ah kaga furmay Magaalada Jabuuti, waxaana garwadeen ka ah Urur Goboledka IGAD.

Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo hoggaamiyaha AhluSunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Inkastoo is aragii koowaad ee Labada dhinac uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa haddana qaybtii Labaad ee shirkan oo rajadiisa ay tahay mid wanaagsan waxa uu goor dhow ka furmay dalka Jabuuti.

Dadka ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan waxa ay ka muujinayaan in shirkaasi ay ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo ku aadan wada hadalka labada dhinac.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee dalka ku sugan.

Exit mobile version