haatana waa cayaaryahanka 6-aad ee goolasha ugu badan kooxaha Ingiriiska u dhaliyay tartanka UEFA Champions League asigoo haatan leh 27-gool.
Magaca UEFA Champions League waxaa tartankan loo bixiyay xili cayaareedkii 1992/93 waa markii nidaamka heerka Guruubyada la bilaabay wixii markaas ka dambeeyay ilaa haatan Didier Drogba ayaa ugu goolal badan cayaartooyda kooxaha Ingiriiska u cayaareen wuxuuna Champion-ka ka dhaliyay 36-gool.
Fadlan hoos kaga bogo 6-cayaaryahan ee goolasha ugu badan kooxaha Ingiriiska u dhaliyeen Champions League laga soo bilaabo 1992/93:
Didier Drogba (36-gool ayuu Chelsea u dhaliyay)
Thierry Henry (35-gool ayuu Arsenal u dhaliyay)
Ruud van Nistelrooy (35-gool ayuu Man United u dhaliyay)
Wayne Rooney (30-gool ayuu Man United u dhaliyay)
Ryan Giggs (28-gool ayuu Man United u dhaliyay)
Sergio Agüero (27-gool ayuu Man City u dhaliyay)

