Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Victor Moses Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Chelsea

Garabka shaqada badan ee Chelsea Victor Moses ayaa saxiixay heshiis cusub oo kooxda ka dhisan galbeedka London ku heynaya ilaa 2021.

Daafacaan reer Nigeria 12-bilood ka hor mustaqbalkiisa kooxda lama kala jecleyn, balse wuxuu dib usoo dhashay kadib imaatinkii Antonio Conte taasoo keentay in loo arko xidig muhiim ah wuxuuna haatan saxiixa heshiis afar sanadood ah.

Heshiiska afarta sano ah ee haatan la shaaciyay wuxuu isugu jiraa laba sano oo kordhis ah iyo laba sano oo baaqi uga aheyd heshiiskiisii hore Blues, Moses oo ka hadlay dareenkiisa ayaana yiri:

“Waxaan dareemayaa farxad saaid ah, aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan ahaado sanado kale isla markaana aan saxiixo heshiis cusub. Hadda waxaa la joogaa waqtigii aan diirada saari lahaa kooxda isla markaan aan joogteyn lahaa shaqada adag si aan u hubiyo inaan guuleysano kulamada isla markaana aan isugu dayno inaan ku guuleysano Premier League xagaagan”

“Waxaan qaadaneynaa xili ciyaareed weyn, waxaan ku raaxeystaa kubadda cagta, waxaan heysanaa macalin wanaagsan kaas oo qof walba  oo naga mid ah siinaya kalsoonidiisa. waxaan kaliya doonayaa inaan joogteeyo inaan taas ku raaxeysto sidoo kalana aan shaqo adag kooxda u qabto”

Ugu dambeyntiina madaxa farsamada kooxda Chelsea Michael Emenalo ayaa ka hadlay kaas oo qiray muhiimadda Victor Moses.

“Si aad ah ayaan ugu faraxsanahay in Victor uu doorto inuu heshiiskiisa inoo kordhiyo. wuxuu ku raaxeysanayaa xili ciyaareed aan caadi aheyn, isagoo ku hoos jira taliska Conte, wuxuuna cadeeyay inuu muhiim u yahay kooxda”

Exit mobile version