Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Sarkaal kula dagaalamay Ahlu Sunna magaalada Dhuusa Mareeb, kaas oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne Galabta ay ku wareejisay Odayaasha uu ka soo jeedo Liibaan Madaxweyne.
Liibaan ayaa la sheegay in la geeyay degaanka Gadoon oo magaalada Dhuusa Mareeb ka Xiga dhanka degmada Cadaado oo isna ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dhanka kale Odayaasha uu ka soo jeedo Liibaan Madaxweyne ayaa xaqiijiyay in aan lagu wareejin Sargaalkaasi,balse Ahlu Sunna ay ku wareejisay dad kale sida ay hadalka u dhigeen.
Liibaan Madaxweyne ayaa magaalada Dhuusa Mareeb kula dagaalamay Ahlu Sunna,waxaana lagu qabtay dagaalkaasi, isagoo dhaawac ah,iyadoo Maalmahaan ay soo baxayeen in Ahlu Sunna ay dhaawaca Liibaan Madaxweyne u qaadeyso dalka Itoobiya.
