Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad ka jeediyay xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha oo ka dhacday xarunta Ciidnka Ciirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu ka hadlay xaalada Soomaaliya ay hada ku jirto, isagoo sheegay hadiia ay yihiin Dowladda Kenya in ay garab istaagi doonaan Dowladda cusub ee Soomaaliya, si loo gaaro guulo la taaban karo.
Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa ka hadlay Howlgalka Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ee ku sugan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in la xoojin doono Howlgalka Ciidanka AMISOM, si dalka uu u helo Nabad waarta.
Madaxweynaha Kenya ayaa khudbadiisa ku soo gaba gabeeyay hadalkan “Soomaaliya Hanoolaato” taas oo layaab ku noqotay Soomalida ee ah in Madaxweynaha Kenya uu ku hadlay luqada Af-Soomaaliga.
