Taliyaha guud ee ciidamada Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu mudnaanta siin doono howlgalka Marinka Gaza marka la soo afjaro joogitaanka militari ee ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Soomaaliya.
Muhoozi ayaa sheegay in Uganda ay diyaar u tahay inay diiradda saarto howlgalka Gaza marka ay ciidamadeeda ka baxaan Soomaaliya, taas oo muujinaysa qorshaha cusub ee dhinaca howlgalada dibadda ee ciidamada dalkaasi.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Uganda ay durba bilowday qorshaha ay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen howlgalada amniga ee dalka.
Jeneraal Muhoozi ayaa 29-kii Oktoobar qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku shaaciyay in ciidamada Uganda ay bilaabeen inay Soomaaliya isaga baxaan, isaga oo sheegay in kaddib 20 sano oo naf iyo dhiig badan lagu bixiyay amniga Soomaaliya, ay mas’uuliyadda amniga ku wareejinayaan walaalahooda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Uganda ayaa hore u muujisay inay diyaar u tahay ka qeybgalka howlgalka caalamiga ah ee la qorsheynayo in laga sameeyo Gaza, waxaana bishii Agoosto 2026 la ansixiyay suuragalnimada in ciidamada Uganda loo diro howlgalkaas.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan qorshayaal lagu dhimayo joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb weyn ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Afhayeenka ciidamada Uganda, Korneyl Chris Magezi, ayaa sheegay in ciidamada ku jooga heshiiska gaarka ah ee labada dowladood ay durba bilaabeen bixitaanka, halka ciidamada kale ee qeybta ka ah AUSSOM ay si heerar ah uga bixi doonaan Soomaaliya, iyadoo qorshaha guud lagu soo afjarayo dhammaadka 2027.
Uganda ayaa Soomaaliya ciidamadeeda keentay sannadkii 2007, xilligaas oo ay hormuud ka noqotay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna muddo ku dhow labaatan sano ka qeyb qaadanayeen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dalka.
Bixitaanka ciidamada Uganda ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo awoodda ciidamada Soomaaliya ay kula wareegi karaan goobaha ay banneeyaan ciidamada shisheeye.

