Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamo badan kala baxday Soomaaliya, iyadoo tallaabadan aan si rasmi ah loo shaacin, isla markaana aan weli faahfaahin laga bixin tirada ciidamada laga daadgureeyay dalka.

Balse wararka ayaa sheegaya in badan 100 askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda laga saaray Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadday dowladda Uganda uu maalmihii ugu dambeeyay ka socday Soomaaliya, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamadeeda ay dalka ka baxeen.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee ciidamada ku taageera Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, waxaana ciidamadeedu muddo dheer ka howlgaleen gobollo kala duwan oo dalka ah.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli ay jiraan isbeddello la xiriira joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha dib-u-habaynta iyo beddelka cutubyada ka howlgala deegaannada ay ciidamada Uganda gacanta ku hayaan.

 

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Musavani ayaa si cad ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qayb kamid ah ciidankiisa kala baxayo Soomaaliya ugu danbayn 15-ka bisha Noofeembar.

Uganda ayaa Ciidamado nabad ilaalin usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007, waxayna qeyb wayn ka qaadatay in Dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegto magaalooyinka waawayn ee Koonfurta Soomaaliya.

Exit mobile version