Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Türkiye oo Soomaaliya u soo dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Badda

Dowladda Türkiye ayaa Soomaaliya u soo magacawday Gaashaanle Dhexe Fatih Mehmet Ünal, oo ka tirsan Ciidanka Badda Türkiye, kaas oo loo magacaabay U-qeybsanaha Ciidanka Badda ee Safaaradda Türkiye ku leedahay magaalada Muqdisho.

Sida ay shaacisay Safaaradda Türkiye ee Muqdisho, sarkaalka cusub ayaa soo gaaray caasimadda Soomaaliya, si uu u bilaabo waajibaadkiisa shaqo ee la xiriira iskaashiga dhinaca ciidamada badda ee labada dal.

Safaaradda ayaa sheegtay in dowladda Türkiye ay sii waddo taageerada ay Soomaaliya ka siiso dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Badda, tababarrada saraakiisha iyo ciidamada, iyo dhisidda awoodda hawlgal ee ciidanka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiriirka iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, amniga badda iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Türkiye ay Soomaaliya u soo dirtay Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, oo loo magacaabay U-qeybsanaha Arrimaha Ciidanka Cirka ee Safaaradda Türkiye ee Muqdisho.

 

Labadan magacaabis ayaa muujinaya sii ballaarinta wada-shaqeynta milatari ee labada dal, iyadoo Türkiye ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Exit mobile version