Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo dagaal oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga ay 30-ka Oktoobar u ambabixi doonaan Soomaaliya, iyagoo sida sahay iyo agab milatari oo badda lagu soo gaarsiinayo dalka.
War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in maraakiibta kala ah Gökçeada iyo Yıldırım ay qayb ka yihiin howlaha gaadiidka sahayda iyo isbeddelka shaqaalaha hawlgalka ee ku sugan Soomaaliya.
Wasaaraddu si cad uma aysan sheegin nooca agabka milatari ee maraakiibtu sidaan, mana aysan xaqiijin in agabkaasi loogu talagalay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo in uu yahay mid ay leeyihiin ciidamada Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in iskaashiga milatari ee labada dal uu sii socon doono, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada iyo amniga, si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya loogana qayb qaato xasilloonida gobolka.
Dhaqdhaqaaqan ayaa imanaya xilli iskaashiga amni iyo difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, iyadoo Turkigu door ku leeyahay tababarka ciidamada Soomaaliyeed iyo taageerada howlaha amniga badda.

