Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Email La wadaag
Baar ku yaalla Tunuusiya ayaa albaabada loo laabay ka dib markii la arkay muuqaal muujinaya aadaan loo daaray dad qoob ka ciyaar dheelaya, sida ay saraakiishu sheegeen.
Muuqaalkan oo laga duubay magaalada Nabeul ee ku taaalla waqooyiga bari ee dalka Tunuusiya ayaa la soo bandhigay Axaddii, dad badan oo ka carooday arrintaas ayaana dareenkooda ku soo gudbiyay baraha ay bulshadu ku xiriiraan.
Gafarnatooraha Nabeul, Mnaouar Ouertani ayaa sheegay in baarku uu sii xirnaandoono ilaa iyo amar dambe.
Baaritaan arrintaas la xiriira ayaa la billabaay
Muuqaalka la helay ayaa muujinaya dad baar jooga oo qoob ka ciyaar dheelaya, kuwaas oo ay muusik u daarayaan labo ruux oo reer galbeed ah, halkaas oo u dhaw goobta loo tamashle tago ee Hammamet oo xeebta agteeda ah.
Muusikada ayaa lagu daray aadaanka salaadda.
Ouertani ayaa sheegay in markii ay dhacdadaas xaqiijiyeen ay go’aansadeen in ay albaabada u laabaan baarka.

