Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallada Iran ay haatan si wanaagsan u socdaan, balse uu sheegay in aan si weyn loo aamini karin mas’uuliyiinta Iran.
Trump ayaa yiri: “Wada-hadallada Iran haatan si wanaagsan ayay u socdaan, balse dhibaatada ugu weyn ayaa ah in aanay ahayn kuwo la aamini karo. Waxay galaan heshiisyo, kaddibna si fudud ayay uga baxaan ballanqaadyadooda!”
Isagoo sidoo kale wariyeyaasha kula hadlayay hoygiisa ku yaalla gobolka Florida, ayuu yiri: “Goobihii nukliyeerka ee Iran waa la burburiyay, waxaana haray hal ama laba goobood oo kale oo ay tahay inaan wax ka qabanno.”
Hadalka Trump ayaa imaanaya kaddib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu horay u sheegay in Donald Trump uusan weli go’aan ka gaarin in weerar militari lagu qaado Iran iyo in kale.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Iran ayaa Sabtidii sheegay in ay qaadi doonaan weerarro aargoosi oo culus haddii Mareykanku soo weeraro Iran.

