Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Trump oo sheegay in wadahadallada dagaalka Iiraan ay socdaan xilli ay hakad ku jiraan duqeymaha

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in “wadaxaajoodyo saaxiibtinnimo leh ay socdaan” oo ku saabsan colaadda kala dhaxaysa Iiraan, kaddib markii labada dhinac ee dagaallamaya aysan isweydaarsan wax weerarro ah maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Wuxuu muujiyay rajo ah in dagaalku soo afjarmi karo Isniintii, isagoo wariyeyaal kula hadlay gudaha diyaaradda Air Force One, kuna yiri: “Waxaan u maleynayaa inay jirto fursad wanaagsan oo wax ay dhici karaan.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in Washington ay “dib ugu laaban doonto wixii aan horay u sameynaynay” ka hor hakadka dagaalka haddii wadaxaajoodyada ugu dambeeyay ay fashilmaan.

Dhanka kale, Tehran ayaa beenisay in wax wadaxaajoodyo toos ah ay socdaan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu hakiyo weerarradii Mareykanka ee ka dhanka ahaa Iiraan maalintii Jimcaha, sababtoo ah dalalka dhexdhexaadinaya labada dhinac ayaa ka codsaday inuu siiyo wadaxaajoodyada fursad kale.

Exit mobile version