Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil ay xilligan ka baaqsanayaan inay weeraraan Iiraan, kadib codsi uga yimid dowladda Tehran iyo dalal ku yaalla Bariga Dhexe.
Hore, warbaahinta Axios ayaa sheegtay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu Donald Trump ku boorriyay inuu yareeyo xiisadda isla markaana uu ka baaqsado weerar ballaaran oo lagu qaado Iiraan.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, oo xiriir la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan dhowr dal oo gobolka ah, ayaa ka digay in weerar kasta oo ay Mareykanka ama Israa’iil ku qaadaan Iiraan ay Tehran kaga jawaabi doonto “jawaab adag oo go’aan leh.”

