Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Trump oo eedeeyn kulul u jeediyay Qatar

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa dalka Qatar ku tilmaamay inuu yahay dal weligii ba taageera u fidin jiray Kooxaha argagixisada ah.

Waxaa uu sheegay tilaabada ay qaadeen dalalka Khaliijka in ay tahay mid wanaagsan.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid maalmo un kaddib markii xoghaya arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka, Rex Tillerson uu ku booriyay dalka Sacuudiga, iyo wadamada khaliijka inay qadaan xayiraada ay ku soo rogeen dalka Qatar, wuxuuna sheegay in go’doominta ay horseeday cunni yari.

Dowladda Jarmalka iyaduna sidoo kale ku baaqday in dadaalo diblumaasiyadeed lagu xalliyo dhibaatada sii kordheysa ee Qatar, taas oo afar dal oo Carab ah ay ku eedeeyeen inay maalgeliso argagixisada.

Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Masar iyo Baxrayn ayaa Isniintii waxa ay dalka Qatar u jareen xiriirkii socdaalka iyo midkii diblumaasiyadda.

Sidookale wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Sigmar Gabriel, oo hadlayay kaddib markii uu martigaliyay dhiggiisa Qatar, ayaa ku baaqay in la qaado xayiraadaha “badda iyo cirka” ee Qatar lagu soo rogay.

Qatariyiinta ayaa diiday eedaha ah inay taageeraan kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah.

Tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeeyo Qatar iyo dalalka ay dariska yihiin, ayaa Jarmalku waxa uu xoogga saarayay in xal diblumaasiydaeed lagu dhammeeyo arrinta.

Exit mobile version