Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in dagaalka Iran uu dhawaan soo dhammaan doono, isaga oo saadaaliyay in qiimaha shidaalkuna hoos u dhici doono marka dagaalku dhammaado.
“Dadku ma doonayaan in Iran ay hesho hub nukliyeer ah, waadna garanaysaan waxa ay doonayaan… Dagaalkani dhawaan ayuu dhammaan doonaa, marka uu dhammaadana qiimaha shidaalku wuxuu ku noqon doonaa halkii uu markii hore joogay, ama xitaa ka hooseeya,” ayuu yiri Trump xilli uu ka hadlayay munaasabad caafimaad oo ka dhacday Aqalka Cad.
Isaga oo ka hadlayay adeegsiga diyaaradaha wax duqeeya ee B-2 oo lagu weeraray xarumaha nukliyeerka Iran, Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in tallaabo militari ay lagama maarmaan ahayd si looga hortago in Tehran ay hesho hub nukliyeer ah.
“Doorasho kale ma aanan haysan,” ayuu yiri. “Waxaan kooxdayda u sheegay inaan tallaabo ka qaado Iran, sababtoo ah haddii aynaan diyaaradaha B-2 ku weerarin, waxay heli lahaayeen hub nukliyeer ah.”
Trump ayaa maalmihii u dambeeyay dhowr jeer sheegay saadaal la mid ah oo ku saabsan dhammaadka dagaalka iyo qiimaha tamarta. Arbacadii ayuu sidoo kale sheegay in marka uu dagaalku dhammaado, qiimaha shidaalku si degdeg ah hoos ugu dhici doono.

