Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Toogasho lagu fuliyay Askari dil ka geystay Magaalada Baydhabo

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad  oo maanta dil toogasho ah ku fulisey  EX-dable daraawiish Muzamil Maxamed Cabdi Aaden oo shalay Magaalada Baydhabo ku diley  marxuum Cabdiweli Xasan Cali oo saarna mooto Bajaaj.

Dilaaga ayaa isu dayey inuu Mootada Bajaajta si xoog ah ku raaco lakiin wadaha ayaa diiday taas waxaana ay keentay in dilaagu Saddex xabadood ugu dhufto Marxuumka halkaas ayuuna ku geeriyooday.

Guddoomiyha Maxkmada Ciidamada Qeybta 60aad ayaa ku dhawaaqey xukunka dilka tooqashada ah oo saaka lagu fuliyey gacan ku dhiiglaha.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Askariga dilka qofka shacabka

Exit mobile version