Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Toogasho ka dhacday Baardheere

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay xalay toogtay nin ka mid ahaa dadka degaanka.

Ninka la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Ilyaas Cabdi Timacadde , waxaana toogtay kooxo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan.

Taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Baardheere ayaa sheegay ninka la dilay in uu ahaa Rayid , islamarkaana uu ka mid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Somtel.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwo dowladda Soomaaliya.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saaka waxaa ka socda howlgallo kala duwan oo lagu baadi goobaayo kooxihii dilka geystay.

Exit mobile version