Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa laga malay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho oo saaka ka soo degay Wafdi uu hoggaaminayo R’iisal wasaaraha Itoobiya Itoobiya Abiy Ahmed.
Dadka u dhow Garoonka ayaa sheegay inay maqleen in ka badan jufta afar qarax oo lala beegsanayo aagga Xalane iyo Garoonka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha dowadda Soomaaliya, AUSSOM iyo UNTMIS iyo Khasaaraha ka dhashay ilaa hadda, balse waxaa hore duqeymo noocaan ah u fuliyay Al-shabaab.
Wixii ku soo kordha la soco.

