Tirada dadka dilka lagu fuliyay ee adduunka oo dhan laga diiwaangaliyay sanadkii 2016kii ayaa 37% ka hoosaysa sida ay sheegeen Hay’adaha u dooda Xuquulqul Aadanaha.
Ugu yaraan 1,032 ruux oo dil lagu fuliyay ayaa laga diiwaangaliyay adduunka oo dhan tiraad ayaana hoos uga soo dhac middii sanadkii ka sii horeeyay ee 2015kii oo ahayd 1,634, sida ay sheegtay Hay’adda Amnestay international.
Hoos u dhacaan ayaa ka dhashay xukunno dil ah oo tiro yar oo laga diiwaan galiyay Iiraan iyo Pakistan.
Shiinaha ayaa la rumaysan yahay in uu dil ku filiyay tiro ka badan midka dalalka adduunka oo dhan oo la isku daray ay gaysteen, laakiin tirada ayaan la shaacinin maadaama aan cadaymo ku filin loo helin kiisaska la soo gudbiyay qaar, sida ay hay’addu sheegtay.
Maraykanka ayaa markii koobaad ka baxay shanta kaalmood ee ugu horaysa tan iyo sandkii 2006 sida ay Amnesty sheegtay.
Dilka Pakistan laga diiwaangaliyay sanadkii 2015kii ayaa ahaa 326 halka uu sanadkii ku xigay hoos ugu soo dhacday ugu yaraan 87.
