Warbaahinta Dalka Kenya ayaa qoreysa in tirada asktarta Dowladda Kenya loogu dilay Weerarkii degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose.ay gaarayaan 68 Askari.
Wargeysyada ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Saraakiil sar sare ayaa sheegay in Meydadka 3 Askari oo Kenyaan ah la keenay Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Waxa ay sidoo kale qorayaan Wargeysyada Dalka kenya in Dowladda Kenya ay Ciidankeeda waxyeelo badan ka soo gaareen Weerarkii ka dhacay degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Waxa ay sheegayaan in askar kale oo dhaawac ah la keenay isbitaalada ku yaalla Dalka Kenya.
Wasaaradda Difaaca Kenya waxaa ay sheegtay in Dagaalkii Kulbiyoow looga dilay 9 Askari,waxaana ay beenisay Warka Al-shabaab ee ahaa in 67 Askari Kenya looga dilay Weerarka.
Dhanka kale Sargaal ka tirsan Ciidamada AMISOM oo Magaciisa aysan Warbaahintu Xigan ayaa sheegay in Saldhigga Ciidanka Kenya lagu Weeraray ee Kulbiyoow uusan hoostagin AMISOM,taas oo Micneheedu yahay in Ciidanka Xeradaas jooga aysan AMISOM ka tirsaneyn.
