Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Magaalada Garoowe ee Xarunta Hobolka Nugaal ayaa la kulmay ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn iyo isxog-wareysi ah ayaa sidoo kale waxaa ay uga wada hadleen sidii Puntland iyo Dowladda Soomaaliya uga wada qeyb qaadan lahaayeen sugida Amniga doorashooyinka labada Aqal ee gaar ahaan kuwa lagu qabanayo degaannada Puntland.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga mahad celiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya booqashada uu ku tegay degaannada Puntland iyo qiimeynta dhanka Amniga ee uu wado.
Taliye Xijaar oo booqasho ku maraya degaannada Puntland ayaa sidoo kale Maanta waxaa uu kormeer ku tegay Xarumaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada labada Aqal kasoo galay degaannada Puntland ee Magaalada Garoowe.

