Bishi Janaayo ee 2015-kii, waxaa uu isu soo dhiibay ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Jamhuuriyada Bartamaha Afrika, Kuwaaso ku wareejiyay cidamada meleteriga Uganda oo iyaguna ku sii wareejiyay maxkammada dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Ninkan waxaa lagu soo oogay 70 eedeymood oo ah dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada. waxaana ka mid ah dil, kufsi, addoonsi xagga galmada ah, iyo carruur la askareeyey.
Xaqiijinta dhageysiga dacwooyinkan waxaa cadaysay maxkamada dembiyada dagaalka bishi Janaayo ee sanadkan 2016-ka.
Qaar ka mid ah dembiyadan waxaa la galay sanadii 2004-tii xilligaas oo u taliye Ongwen uu hogaamniyay kooxdii LRA ee weerartay xero ay ku jireen dad barkacayal ah oo kasoo qaxay magaalada Gulu ee waqooyiga dalka Uganada,
Waxayna kooxdu halkaas ku dilen dad faro badan iyagoo gubay guryihii halkaas ku yaalay.
