Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Taliska Qeybta 60-aad oo sheegay in la bur buriyay Goobo Alshabaab ay ku lahayeen G/ Baay & Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahaan Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa Howlgal  ka sameeyay Degaanada Dhaca Buuraleyda iyo Dhulka Hoowdka ah ee Kala Qeybiya gobolada  Baay Iyo Bokool .

Inta uu Howlgalkan Gaar   uu Socday ayaa la sheegay in lagu Bur – Buriyay Goobo Xubno ka tirsan Alshabaab  isku isku aruursanayeen oo  U Dhexeya  Degmooyinka Bardaalle iyo Qasax Dheere Ee Gobalka baay iyo degmada waajid ee gobolka bakool

Howlgalkaan waxaa uu Hogaaminayey Taliye Xigeenka Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Xidigle Uune Guudle Abdu Raxman ayaa Warbaahinta U Xaqiijiyey in Dhamaan Degaanadan ay Hada ku sugan yihiin  Ciidamada Xoogga dalka  Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyed.

Exit mobile version