Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Taliska Ciidamada Booliska Baardheere oo baaq u diray dowladda Dhexe

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee degmada Baardhere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in hadda Burbur xooggan uu ka muuqdo saldhigga Ciidamada Booliska ee degmadaasi.

Aadan Ibraahim Axmed ayaa sheegay in ciidamada Booliska degmadaasi aysan aheysnin Saldhig ay ku shaqeeyaan xilli loo baahan yahay in waxbadan laga qabto Ammaanka Magaaladaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayuu ka codsaday in laga taageero dhismaha Saldhigga.

Sidoo kale waxaa uu dadka degmada uu ugu baaqay in ay u soo baxaan dhismaha Saldhigga.

Magaalada Baardheere ayaa ka mid ah Meelaha laga saaray Al-Shabaab , waxaana hadda aysan la heyn Saldhig Boolis oo aad u weyn.

Maamulka Jubbaland ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu dhisaayo Saldhiggaas,Maadaama uu muhiim u yahay Nabagalyadda degmada.

Exit mobile version