Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran howlgal ay Maanta sameeyeen ay bur buriyeen Maxkamad Al-Shabab ku lahaayeen deegaanka Basra oo u dhaxeeya Gobolada Banaadir, Shabeellaha Hoose & Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha oo Shir Jar’aaid u qabtay Warbaahinta wuxuu sheegay in howlgalka uu weyn Ciidamadu ka fuliyeen degaano u dhaxeeysa Gobolada Shabeellaha dhexe & Shabeellaha Hoose, isla markaana howlgalka looga hortegayay Al-Shabaab o halkaas uga yeera dadka Shacabka qeybahooda kala duwan.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab aysan jirin wax cadaalad ah oo ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed, balse ay ku howlan yihiin dhibaateynta Shacaka, isaga oo tusaalo u soo qaatay dadkii ay dhawaan kudileen degaano katirsan Gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) aya uga digay dadka Soomaaliyeed inay garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab, isaga oo sheegay in ciddii isku dada ay tallaabo ka qaadi doonaan,

