Shirkii 3-aad oo ay yeeshaan Booliiska Afrika ee loo yaqaano (Afripol) ayaa ka dhacay dalka Aljeeriya magaalo madaxdiisa Aljeris ,iyadoo shirkaasi ay qeyb ka tahay Soomaaliya,sida uu sheegay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ajandaha shirkan Afripol waxaa uu ahaa sidii Boliiska Afrika ay iska kaashan lahaayeen la dagaalanka dembiyada Abaabulan, iyo la dagaalanka xagjirka, Sidoo kale dhammaan dembiyada kale ee ka dhaca Qaaradda Afrika.
Shirkaasi ayaa waxaa ka qeybgashey saraakiil booliis oo ka kala socotay ilaa 33 dal oo ka tirsan Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya kujirto,kuwaasi oo soo bandhigay aragtiyo kaladuwan ee ku aadan habka ugu wanaagsan oo laamaha ammaanka Afrika ay u sameyn karaan iskaashi ballaaran.
Gebagebada shirkaasi ayaa waxaa la isku raacay in Amniga Qaarada Africa muhiimad gaar ah la iska saaro,lagana shaqeeyo iskaashiga iyo Horumarinta Ciidamada Booliska Qaarada Africa.

