Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Soomaaliya iyo Caalamka oo Maalintii labaad laga Ciidayo iyo dadka qaar oo maanta u ah maalinta koowaad ee Ciida.

Waxaa Maanta Maalintii labaad siweyn looga Ciidayaa dhamaan dalalka Islaamka oo ay kujirto Soomaaliya, iyada oo dadweynaha ay u damaashaadayaan.

Shalay oo aheyd Maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga ayaa Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ay Shacabka kula dukadeen Masaajidyada qaar halka qaarkood ay kula dalxiiseen Goobaha loo damaashaad tago.

Markii aad marto waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalintii labaad ee Ciidul Fidriga.

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa sidoo kale kusii qul qulaya Goobaha dalxiiska si ay Asxaabtooda ula sheekeystaan Ama ula galaan Sawiro xasuus ah, waxaana Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ay Maalintii labaad Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen Maalinta labaad ee Ciidul Fidriga.

Dhanka kale waxa xusid mudan in Dad badan oo ku kala nool magaalooyinka ay ka mid yihiin Muqdisho, Baledweyne, Guriceel,  Gaalkacyo, Caabdiwaaq iyo Garoowe ayay maanta u tahay  maalinta koowaad ee ciidul fidriga.

Magaalooyinka aan kor kusoo xusnay ayaa dhamaantood saaka si weyn looga oogay Salaadii Ciida, waxaana qaar ka mid ah Masaajidda magaaloyinkaas saaka laga maqlay dhawaaqa takbiirta.

Dhanka magaalada Muqdisho, waxaa Salaada Ciida saakay boqolaal dadweyne ah la Tukaday gudoomiyaha Xisbiga Towfiiq Sheekh Maxamed Shaakir iyo xertiisa Ahlu Sunna oo wehlinayeen masuuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka Galmudug oo ay u aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fitriga.

Exit mobile version