South Afrika-RisaalaFM- Soomaalida ku sugan gudaha Dalka South Afrika oo tiro ahaan lagu sheegay in ay yihiin ku dhowaad Konton Kun oo Qof ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo u nugul dhibaatooyinka ka soo gaara Dalka South Afrika.
Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga Dal ku jooga oo ay bixiso Dowladda South Afrika.
Helitaanka sharciyada ayaa ah mid ay dhibaatooyin kala kulmaan dadka Soomaaliyeed, waxaana mararka qaar dhaca isku dhac u dhaxeeya Soomaalida iyo ilaalada xarunta lagu bixiyo sharciga Dal ku jooga.
Maxamed C/laahi Maxamed oo ka mid ah Dhalinayarada Soomaaliyeed ee dhowaan galay Dalka South Afrika ayaa ka warbixinaya dhibaatooyinka uu u maray xilliga uu helayay sharcigiisa.
Soomaalida ku nool Dalka South Afrika ayaa soo wajahda dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin Dilalka qorsheysan iyo in lagu adkeeyo helida sharciga Dal ku jooga ah.
