Koonfur-Afrika-RisaalaFM- 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay Laba muwaadin Soomaaliyeed, sida ay qoreen warbaahinta gudaha ee dalkaasi.
Dilka labada Muwiidin ee Soomaaliyeed ayaa ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen Burcad South Afrikaan ah, kuwaasi oo inta badan dilalka nuucaan oo kale ah geysta.
Muwaadiniintan la dilay, ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ganacsatada Soomaaliyed ee ku nool dalka South Afrika, waxaana ay ku ganacsanayeen goobo kala duwan.
Weerarka koowaad, ayaa waxaa lagu dilay Nuur Cismaan Nuur oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ku ganacsan jiray Magaalada Johanesburg ee dalka South Afrika.
Weerarka labaad ayaa waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Gacal, waxaana dilkiisa uu ka dhacay xuduuda dalalka South Afrika iyo Mozambique.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ku nool, ayaa walaac xoogan ka muujiyay falalkan dilalka ah ee loo gaystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka South Afrika.
