Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Soomaali lagu dhaawacay Boobka ka socda Koonfur Afrika

Waxaa sii kordhaya rabashadaha iyo boobka ka socda Magaalooyin ka mid ah dalka Koonfur Afrika,waxaana boobkaas uu saameyn ku yeeshay dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida ka mid yihiin.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Goobtiisa Ganacsi waxaa ay ku weerareen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ku Ganacsada Xaafada Soweto Ee Magaalada Johannesburg, iyaga oo dhaawac culus u geystay.

Muwaadinka la dhaawacay ayaa Wariyeyaal ku sugan dalka Koonfur Afrika waxaa ay sheegeen in lagu Magacaabo Maxamed Harawo, iyada oo la sheegay in Afar Xabadooda ay burcad ku dhuftaan,isla markaana dhaawiciisa uu yahay mid halis ah.

Rabshadaha iyo boobka ka socda Koonfur Afrika ayaa dadka ugu badan ee dhibaatooyinka dhimashada, dhaawaca iyo boobka loo geystay ayaa u dhashay dalalka Itoobiya & Nigeria, iyada oo dowladahaas ay falkaasi cambaareeyeen.

Exit mobile version