Britain-RisaalaFM- Boqolaal dadweyne ah oo Soomaali ah ayaa Banaanbax waxa ay ka hor dhigeen afaafka hore ee Wasaarada Cadaalada Dalka Britain.
Soomaalida Banaanbaxa dhigay ayaa waxa ay ka soo horjeedeen Wiil Soomaali ah, kaas oo lagu dilay xabsi uu ku jiray.
Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jamaal Maxamed oo 21 sano jir ah, waxaana markii la xirayay lagu eedeeyay falal Argagixisanimo.
Jamaal Maxamed ayaa lahaa Xaas iyo Labo caruur ah, waxaana socda baaritaano ku aadan qaabka uu u dhacay dilkiisa.
Xaawo C/raxmaan oo ah Hooyada dhashay Wiilkan Soomaaliga ah ayaa waxa ay sheegtay in markii horeba wiilkeeda loo xiray xaqdaro, sidoo kalena hada loo dilay si bareer ah, waxaana ay dalbatay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo dilka wiilkeeda.
