Site icon Radio Risaala: Somali News Online

SOMA oo Muqdisho ka furtay Tababar ay ka qeyb galayaan in ka badan 20 Suxufi (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA) ayaa maanta oo ay tahay Axad Taariikhduna ay ku beegan tahay 05-ta November 2017-ka waxa uu magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka furay Siminaar loogu magac daray Tababarka wax soo saarka Raadiyaha (Barnaamijka Wadaadda) Radio Production Training, (Content Sharing Program.

Tababarkan ayaa waxaa si wadajir ah iskula wada Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA) Somali Media Association iyo Radio Ergo, waxaana taageeraya IMS/FOJO.

Siminaarkan oo muddo ku siman Saddex maalood ka socon doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Wariyeyaal ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Gaalkacyo Boosaaso, Kismaayo, Doolow, Jowhar, Baydhabo, Balcad, Cadaado, Dhuusa-mareeb iyo magaalooyin kale.

Tababarkan furitaankiisa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka SOMA Maxamed C/laahi Kooshin, Guddoomiye Ku xigeenka Maxamed C/wahaab C/laahi, Xoghayaha SOMA Ismaaciil Sheekh Khaliifa, Madaxa Tababarada ururka SOMA Axmed Guutaale, Madaxa Barnaamij Wadaagga SOMA C/fataax Macalin Nuur (Qeys), Abuukar Al-badri oo ka tirsan IMS/FOJO, Maxamed Shariif Taysiir oo ka socday Radio Ergo, Qubaro saxaafadeed iyo xubno kale.

Tababarkan oo loo qabanayo in ka badan 20 Suxufi ayaa waxaa bixinaya casharada Macalimiin aad ugu xildheer Mihnadda Saxaafadda, mudo badana ku soo jiray, kuwaasi oo Suxufiyiinta casharada ugu soo bandhigaya Maqal, Muuqaal iyo Qoraal.

Guddoomiyaha ururka SOMA Maxamed C/laahi Kooshin oo Tababarkan furay ayaa sheegay SOMA mar walba in ay ka shaqeyneyso sidii loo hormarin lahaa xirfadda iyo aqoonta Wariyeyaasha Soomaaliyeed, wuxuuna kula dar daarmay Wariyeyaasha in ay ka faa’ideystaan Tababarkan.

Xoghayaha SOMA Ustaad Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa dhankiisa sheegay Tababarkan inuu daba socdo Siminaar bilooyin ka hor ay qabatay SOMA, kaasi oo ay ka faa’ideysteen Wariyeyaal badan, oo warbaahino kala duwan ka socday.

Abuukar Al-badri oo ka tirsan IMS/FOJO ayaa wuxuu sheegay ka Hay’ad ahaan in mar walba ay garab taagan yihiin SOMA, wuxuuna Wariyeyaasha ku dhiirageliyay in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan Siminaarkan kooban.

PHOTOS:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

Exit mobile version