Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shirweynaha 2-aad ee u adkeysiga Aafooyinka oo Muqdisho ka socda

Shirweynaha Qaran ee labaad ee u adkeysiga Aafooyinka ayna ka qeybgalayaan xubno matalayey dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo dhinacyo kale oo ka socday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya waxa ay si qoto dheer uga hadli doonaan muddada uu socdo arrimo ay ka mid yihiin waxa ay tahay in la sameeyo ka hor inta aaneey dhicin abaaro, gaar ahaana waxa ay dhinacyadu muujiyeen in deegaano ka mid ah Puntland iyo Soomaaliland xiligan ay ka taagan yihiin abaaro daran.

Lataliyaha Ra’iisul wasaaraha ee arrimaha Aafooyinka Dr Cabdi Axmed Baafo ayaa sheegay in shirka oo muhiimad gaar ah leh, xubnaha ka qeyb galaya ay falanqeyn doonaan sida ay tahay in loogu diyaar garoobo aafooyinka.

“Hay’adaha gargaarka ee shirka jooga waxan weydiinay waxa ay hada gacanta ku hayaan iyo qorshaha ay ka leeyihiin xaaladda abaareed ee dalka kajirta”ayuu yiri Baafo.

Shirka oo qorshuhu uu yahay in lasoo gaba gabeeyey sadexda bishan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hey’adda qaxootinka iyo barakacayaasha Qaranka oo iyana si guud shirka uga warbixinaya heerka ay gaarsiisan tahay xaaladaha abaareed ee dalka ka jira.

Exit mobile version