Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shirkii looga hadlayay midaynta canshuuraha dalka oo la soo gaba gabeeyay “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa maanta soo xiray shir looga arinsanayey sidii loo midayn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka, waxaana shirka ka soo qayb galay Wasiirada Maaliyadda Maamulada Gobolada, Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, Gudiga dib u habaynta Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka ayaa daba socday kulmo dhowr ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi, ayaa diirada lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah oo ay saamayntu ku yeelato canshuurahan is bar bar yaacaya oo maamulkasta uu qaado khidmad isaga u go’an.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Bayle oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qodobo muhiim u ah mustaqbalka dalka aad looga dooday waxaana ka mid ahaa:

Dhanka kale Wasiiradda Maaliyadda ee maamul goboleedyada ayaa dhankooda ku amaanay dowladda dhexe dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jirto sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar baaxaad leh loona yeelan lahaa wada shaqayn ka wanagaasan tii hore.

Ugu danbayntii Wasiirka maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u sheegay Wasiirada kale ee shirkaan ka qeybgalayey in ay saaran tahay masuuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale.

 

Exit mobile version