Shirkii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ee hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, kaasi oo ka socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Fadhigan oo ahaa kulankii afaraad, iyadoo aanay heshiis kama dambeys ah dhicin, balse loo balamay in Arbacada la isku soo laabto.
Wararka ayaa sheegaya in Illaa hadda doodda halkii ayay taagan tahay cutubka 4aad ama Chapter 4.
Xubno ka agdhow Mucaaradka ayaa laga soo xigtay in Madaxweynuhu ay ka dalbadeen tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn.
Shirka maanta si guud jawi wanaagsan ayuu ku furmay kuna soo dhammaaday.
Waxaa si weyn loo sugayaa kulanka la filayaa in Arbacada ay yeesheen dhinacyada, iyo natiijooyinka ka soo bixi doono shirka.

