Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta Baydhabo Ka furmaaya

Waxaa gelinka dambe ee Maanta lagu wadaa in Magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay uu ka furmo Shirka Madasha wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan Madaxda sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in intiisa badan loogu hadlo arrimo ku saabsan doorashooyinka la filayo iney sanadkaan ka dhacaan Soomaaliya iyo waqtiga rasmiga ah oo ay dhacayaan.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka loogu hadlo qaabka ay u dhaceyso doorashooyinka la filayo iney sanadkaan ka dhacaan Soomaaliya sida doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale doorashada Madaxweynaha.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hada ku sugan qaar ka mid ah Masuuliyiintii loogu tala galay iney shirka ka qeyb galaan.

Shirkan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho, Garoowe, iyo Kismaayo.

 

 

 

 

Exit mobile version