Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo dib u dhacay

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maanta lagu waday in uu ka furmo magaalada Jowhar ayaa dib u dhac ku yimid.

Khilaafyo cusub oo  ku aadan habka loo dhisaayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Soo  shaac baxay , waxaana la sheegaya in qaar ka mid ah waxgaradka ay  diideen in ay qeyb galaan shirka magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya sababaha uu shirku u  baaqday in ay ka mid tahay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu waday in ay taagan magaalada Jowhar Maanta in aysan gaarin magaalada Jowhar.

Ciidamo gaar ah  oo loogu talagalay in ay sugaan amniga magaalada Jowhar ayaa gaaray halkaasi , waxaana ciidamadaasi la sheegaya in ay la wareegeen amniga xarunta lagu waday in uu shirku ka furmo.

Waxgaradka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Risaala u sheegay in berri lagu wado in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu furmo.

Exit mobile version