Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shirka Hanaanka Dib u eegista Dastuurka oo ka furmay Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay maanta waxaa ka furmay shirka hanaanka dib u eegista Dastuurka sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee magaaladaasi Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasi oo shalay gaaray magaalada Baydhabo.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in shacabka Koofur Galbeed ay ka tala gelin doonaan qorshaha guud ee hanaanka dib u eegista Dastuurka

Mr. Xoosh ayaa sheegay in safarkiisa uu ka mid ah yahay qorshaha Wasaaradiisa ku gaarsiineyso kulamada wadatashiga dhammaan gobolada dalka.

Shirka Hanaanka dib u eegista Dastuurka ayaa ka mid ah shirar wada tashi oo ay wado Wasaaradda, kaas oo looga qeyb galinayo shacabka iyo Maamulada dalka ka jira.

Exit mobile version