Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu soo gaba gabeeyay shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo Arbacadii ina dhaaftay ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed ay isku raacsan yihiin Madaxdii ka qeyb gashay shirka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shir guddoomiyey intii uu socday shirka Golaha Amniga Qaranka.
Shirkan ayaa lagu lafo guray qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo Argagixisada.
Shirkan ayaa labo maalmood hakad ugu jiray muran ka dhashay hanaanka loo qeybinayo Ciidanka Qaranka, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa warbaahinta u aqriyay war murtiyeedkii ka soo baxay shirkan iyo qodobadii ay isku raaceen Madaxda.
Wasiirka waxa uu sheegay qodobada ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlay in uu ka mid ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya dib loogu celiyo arrinta la xiriirta dib u dhiska Ciidanka, si Baarlamaanka ay go’aan uga gaaraan.
Shirkan ayaa daba socday shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida uu horey u sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed.
Shirkaas ayaa looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay ka mid ahaayeen dib u dhiska ciidamada Qalabka sida iyo xoojinta dagaalka lagu jiro Argagixisada.
Waxaa ka qayb galay shirkan xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

