Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Shirka Golaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xarunta degmada Kaxda maanta waxaa lagu qabtay shirkii Golaha Amniga maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo la qabto maalin kasta oo Khamiis ah.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe, Taliyeyaasha Ciidamada qeybta gobolka Banaadir.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shirka maanta in aad loogu dardar geliyay arrimaha amniga, maadaama maalmahan dambe Muqdisho ay ku soo bateen dilalka.

Wuxuu sheegay Thaabit in laga jawaabay qaar ka mid ah dialkii ka dhacay Muqdisho, halka qaarka kalena uu tilmaamay in lagu raad joogo raggii dambiilayaasha ahaa ee falkaas geystay.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sheegay in lagu wada balamay in la xaqiijiyo xasiloonida caasimadda, taasi oo ay iska kaashanayaan Hay’adaha amniga, Dowladda Hoose iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Soomaaliya oo maanta marti ku ahaa kulanka Golaha Amniga ayaa sheegay magaalada Muqdisho dadka ku nool ee wata Gawaarida maanta wixii ka dambeeya in Ciidamada aysan weydiin doonin kaar Aqoonsi ah, marka laga reebo xilliyada ay tagayaan xarumaha Dowladda.

Ugu dambeyntii masuuliyiintii maanta kulanka ku yeeshay degmada Kaxda ayaa waxa ay ka Tacsiyadeeyeen geeridii ku timid Taliyihii Nabad Sugidda degmada Kaxda (Qooley), kaasi oo Axadii ina dhaaftay xoogag hubeysan oo Shabaab ka tirsan ay ku dileen degmada Dharkeynley.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/09/Cod-thaabit.mp3?_=1
Exit mobile version