Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ka mid ah golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka, ayaa markii ugu horreysay farriin siyaasadeed oo xambaarsan digniin ku saabsan xaaladda dalka soo saaray, isaga oo sheegay in Jamhuuriyadda Saddexaad ay wajahaysaa halis dhab ah.
Cabdi Faarax Shirdoon oo hoggaamiya Isbahaysiga Xaqsoor-Haybad Qaran ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in badbaadinta Jamhuuriyadda Saddexaad ay ku xiran tahay shan tiir oo aasaasi ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay waddada looga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dowladnimo ee dalka ka jira.
Shirdoon ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dastuur heshiis qaran lagu yahay, dib-u-heshiisiin dhab ah oo bulshada Soomaaliyeed dib isugu soo dhoweysa, iyo amni waara oo laga hirgeliyo dhammaan deegaannada dalka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada qaranka iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, isla markaana awood u leh gudashada waajibaadkooda qaran.
Farriinta Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo salka ku haya arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Hadalkiisa ayaa loo arki karaa digniin siyaasadeed oo ku wajahan jihada ay dowladnimada Soomaaliya u socoto, isaga oo muujinaya in xal u helidda khilaafaadka jira ay u baahan tahay heshiis siyaasadeed, talo-wadaag iyo dib-u-heshiisiin qaran.

