Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Sh/Hosoe oo weeraro ay ka dhacaan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aadan Cali ( Najah) oo hoggaaminaya wafdi ka kooban Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka iyo Guddoomiyaasha 8-da degmo ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa magaalada Baydhabo kaga qeybgalay shirka guddoomiyaasha degmooyinka Koonfur Galbeed oo ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka oo ay soo qabanqaabiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed  ayaa looga hadlayaa amniga, xaaladda abaaraha iyo horumarinta deegaannada Koonur Galbeed,  waxaana shirka ka qeybgalaya dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali (Najah) iyo dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka 8-da degmo ee Shabeellaha Hoose ayaa shirkan la tagay qorshe ballaaran oo ku saabsan amniga iyo horumarinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Geba-gebada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saarao qodobo xasaasi ah oo la xiriira dhanka Amniga Gobolka Shabellaha Hoose oo weerarada ugu badan ay ka geystaan Al-Shabaab iyo waxka qabashaha abaaraha.

Exit mobile version