Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shir horu dhac u ah shirka London oo maanta ka furmay Muqdisho

Shir horu dhac u ah shirka looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya ee ay Martigelinayso dowladda Ingiriiska 11-ka bishan  ka dhacaya Magaalada London ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa qeyb galaya  Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda , xubno ka socda dowladdaha Caalamka iyo sidoo kale  ururada caalamiga ee taageera Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in Bulshada Rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada in ay usoo bandhigto qorshayeyaasha ay la tageyso Shirka London.

Shirkaan ayaa waxaa furay qabanqaabiyaha Shirka London Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte.

Qodobada Shirka looga hadlaayo waxaa ka mid ah Heshiisyaddii ay horay u wada gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadda.

Exit mobile version