Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Gen Sheegow Axmed Cali oo caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Janaraal Sheegoow Axmed Cali oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga Soomaaliyeed, islamarkaana muddooyinkii dambe ahaa maxbuus dowladda u xiran.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu yiri”Jeneraalka wuxuu kaalin mug leh ka soo qaatay howlgallo argagixisada looga saaray dhul badan oo ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.”
Illaahey samir iyo iimaan haka siiyo ehelkiisa iyo carruurtiisa isagana haka waraabiyo Jannatul Firdowso.
Madax kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin hore, Xildhibaano iyo madaxdii hore ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gen Sheegow Axmed Cali.

