Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shaqooyinkii ka socday xafiisyada Dowladda oo is taagay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa hakad ku yimid oo istaagay shaqooyinkii ka socday xafiisyada Dowladda gaar ahaan kuwa Xukuumadda iyo Baarlamaanka, taasi oo ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo maanta warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in aysan habooneyn in khilaafka uu sii socdo, maadaama uu tilmaamay in Hay’adihii Dowladda uu saameeyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in Xukuumadda gaar ahaan Golaha Wasiirada aysan ka howgelin xafiisyadooda oo ay ku mashquuleen Mooshinka, sidoo kalena xildhibaanada qaarkood ay ku howlan yihiin sidii loo xalin lahaa xiisada taagan, taasina ay keentay in ay hakad galaan shaqooyinkii ka socday xafiisyada Dowladda.

Guddoomiye (Jawaari) ayaa Golaha Wasiirada ka codsaday in ay shaqooyinkooda ku laabtaan, sidoo kale xildhibaanada ayuu ka dalbaday in ay arrintan ka howlgalaan, sida uu xeer hoosaadka farayo, maadaama ay ka turjumayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Ma haboona in arrintan ay sii dheeraato, waayo Xukuumadii ma shaqeyneyo waxa ay ku mashquushay Mooshinka, sidoo kale xildhibaanda arrimahan in ay xaliyaan ayay ku mashquuleen, waxaan codsanayaa dhammaan Wasiirada in ay shaqadooda ku laabtaan.” Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhaliilsan Xukuumadda ayaa ku tilmaamay Mooshinka Jawaari inuu yahay mid boor isku qaris ah oo ay Xukuumadda ku dooneyso inay ku jahwareeriso howlaha Baarlamaanka iyo la xisaabtanka Xukuumadda.

Exit mobile version