Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shabaab oo xukun dil ah fuliyay

Maxkamada Al Shabaab, ayaa xukun dil ah waxa ay ku fulisay nin lagu eedeeyay horay inuu  dil uga gaystay degaanka Mukeyla ee gobolka Hiiraan.

Ehelada marxuumka horay loo dilay, ayaa waxa ay dalbadeen in loo qisaaso dilka Marxuumka, waxaana sidaasi awgeed maxkamada Shabaab ay fulisay xukunka dilka ah sidda ay sheegeen Al-Shabaab.

Qaadiga Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay ehelada marxuumka horay loo dilay inay dalbadeen xukunka qisaasta ah, sidaasina maxkamadda xukunka ay ku riday.

Al-Shabaab ayaa inta badan fuliya Xukuno kala duwan oo ay ku riddaan dadka ay ku eedeeyaan in ay geysteen falalka dilalka iyo Kufsiga ah.

 

Exit mobile version