Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shabaab oo weeraray Mandera

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen magaalada Mandera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Kenya ayaa ka dhacay Magaalada Mandera sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliska Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Mandera ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanadii Weerarka ku qaaday degmada Beled-xaawo in sidoo kale ay saakay weerar ku qaadeen Mandera.

Ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen in ay waddaan Baaritaano.

Exit mobile version