Qoryooley-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaallo culus oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Millateri oo ku yaalla deegaanka Mashalaay ee dhaca duleedka degmada Qoryooley.
Dagaalka oo muddo ka badan Hal saac si xiriir ah u socday ayaa soo gaaray xalay maqribkii, iyada oo uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka.
Dad ku sugan magaalada Qoryooley ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaasta oo labada dhinac is dhaafsanayeen.
Idaacadda Andalus ee afka Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in Al Shabaabka weerarka qaaday ay khasaare xoogan gaarsiiyeen ciidamada Uganda.
Dowladda ayaa maalmo kahor qiratay weerar ka dhacay magaalada Marko in looga dilay laba askari oo ka tirsanaa hawlgalka AMISOM, kadib markii ay soo weerareen Shabaab.
