Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Shabaab oo weeraray Deynuunay

Deynuunay-RisaalaFM- Xoogaga Ururka Al-Shabaab, ayaa saakay aroortii weerar lagu jarmaaday waxa ay ku qaadeen degaanka Deynuunay oo qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shabaabka, ayaa dhanka Koonfureed ka weeraray degaanka Deynuunay, iyagoo iska caabin kala kulmay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo.

Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ku sugan degaanka Deynuunay iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal mudo socday, kaasi oo laga maqlay hubka la isku adeegsanayay degaanada halkaasi ka dhow.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in mar qura ay ku soo buraarugeen in dagaal uu socdo, la iskuna adeegsanayo hubka culus, waxayna tilmaameen in cabsi uu ku abuuray dagaalkaas.

Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkan, maadaama xilli aroor ah uu weerarka dhacay, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya.

Warar madax ayaa sheegaya Shabaabkii weerarka soo qaaday in ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Deynuunay, kadib markii Ciidanka Millitariga ay ka baxeen degaanka, maadaama xilliga weerarka lagu soo qaadayay aysan ku jirin diyaar garow.

General Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo si kooban ula hadlay Risaala ayaa sheegay in weerarka uu jiro, wuxuuna tilmaamay in Ciidanka Dowladda ay ku sugan yihiin degaanka, oo Shabaab aysan la wareegin.

Wuxuu kaloo sheegay General Mahad C/raxmaan Aadan in uu kooban yahay khasaaraha soo gaaray Ciidamada, hadana halkaasi ay u direen Ciidamo dheeraad ah.

Waxaa aad u adag in la helo xaalada faah faahsan ee degaanka Deynuunay, maadaama isgaarsiinta ay tahay mid xun, waxaana degaanka xaaladiisa ay tahay mid kacsan.

Exit mobile version