War Qoraal ah oo Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay Guri ku yaalla Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shabaabka ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen dad gaaraya ilaa iyo 6 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawceen tiro intaa ka badan.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar noocan ah ku soo qaaday Magaalada Mandheera, tan iyo markii Ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al-Shabaab sanadkii 2011.
Bishii Disembar ee sanadkii 2014-kii ayaa dabley ka tirsan Al-Shabaab waxa ay Mandheera ku dileen ugu yaraan 36 qof oo dhamaantood ahaa dad ka soo jeeda Gobolada kale ee Dalka Kenya.
